98DC1AEC-95D0-49EB-9896-D355D5154109.jpg

Barnaamijka FMIS oo laga daahfuray Dowladda hoose ee Boosaaso[Sawirro]


BOOSAASO – Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa daahfuray habka casriga ah ee dhanka xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS] lagana hirgalinaayo Dawladda Hoose ee Boosaaso.

Mashruucan waxaa maalgalinaya Bangiga adduunka, waxana fulinaaya Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee PFM si horumar looga sameeyo dhanka xisaabaadka.

Daahfurkan waxaa ku lamaansanaa aydoo qaybo kamid ah shaqaalaha Dawladda Hoose lagu tababaraayo habka loo adeegsanayo Financial Management Information System [FMIS].

Daahfurka FMIS waxaa ka hadlay Duqa degmada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Xog-hayaha degmada iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFM, dhamaana waxa ay sheegeen in FMIS uu wax badan ka badali doono hannaan- ka Xisaabaadka Dawladda hoose ee Boosaaso.

Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir ayaa la dardaarmay shaqaalaha Dawladda Hoose ee loo tababaraayo adeeg siga Financial Management Information System [FMIS].

Waxaa xusid mudan in Financial Management Information System horay looga hirgaliyay xarumaha Dawladdaha Hoose ee Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho magaalada boosaasana la daah- furay waxana lafilaayaa in dhamaan degmooyinka laga hirgalin doono.




Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Author

mof