Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey xarunta Bangiga Puntland ee Boosaaso(Sawirro+Video)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Puntland laanta Xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari. Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Dowladda Cabdirisaaq Warsame Seeraar ayaa wasiirka halkaasi ku soo dhaweeyey, waxana uu booqaday Xafiisyada Maamulaha Bangiga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda […]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray xubno ka kala socday Maamulada dalka Soomaaliya(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa manta magaalada Garoowe tababar ugu soo xiray mas’uuliyiinta ka socday Hanti-dhawrka gudaha ( Internal Audit) ee Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Ujeedka tababarka ayaa ah in ay bartaan sidii ay baaris ugu samayn lahaayeen dhammaan howlaha Wasaaradu […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Kastamka Airpor-ka iyo Xarunta Cashuuraha Berriga Boosaaso(Sawirro+Video)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay Kastamka Garoonka diyaaradaha iyo xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari. Kormeerka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Kastamada Puntland Mahdi Cabdiqaadir Faarax (Qambi) iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda. Wasiirku kormeer kan uu ku sameeyay goobaha dakhliga Boosaaso ee […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Kastamka Furdada Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Kastamka Furdada Dekadda Boosaaso waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi. Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Kastamka Dekeda, waxana uu booqaday goobaha shaqadu ka socoto, isla markaana kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dekadda. Wasiirka ayaa kulan gaara la qaatay […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey degmooyinka Galdogob,Buursalax, Xarfo(Sawirro)

GALDOGOB – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar Shaqo ku tagey degmooyinka Galdogob, Buursalax, Xarfo iyo deegaamo kale. Wasiir Kuxigeenka ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinkaas, amniga iyo Saraakisha goobaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” Waxa kormeerkiisa shaqo […]

Madax ka socota Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Tababar uga furmay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Mas’uuliyiin ka socda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tabarbar uga furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda qaybta Hanti-dhowrka gudaha ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubaland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle ayaa loo qabaty Tabarbarkan. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa daah-furay tababarka, waxana ka […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo gaaray Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti oo hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo. Waftiga Wasiirka waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRta Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi […]

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay shir ku saabsan mashaariicda ay isla wadaan Bangiga Adduunka(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u hoogamiyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir looga hadlaayay waxqabadka mashaariicda, qorshayaasha Dowladda taasoo ay si wadajir ah ay u wadaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Puntland. Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ayaa soo bandhigtay waxqabadka iyo guulihii laga gaaray mudadii ay socdeen […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado dalka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudand Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa aaladda fogaan araga kaga qeyb galay shir looga hadlay mashaariicda Bangiga adduunku ka wado dalka Soomaaliya. Shirkan ayaa looga hadlay mashaariicda socda iyo qaabeynta iyo qorsheynta mashaariic cusub oo laga fuliyo gudaha dalka. Waxaa la filayaa in Shirkan uu socon doono mudada […]

Odorska Miisaaniyadda Sanadka 2022-ka oo laga shiray(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland , waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022-ka. Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda […]