9A378CDB-1578-43D5-BF6B-894E58E9649F.jpg

Tababar loogu soo xiray Boosaaso qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Sanaag[Sawirro]

BOOSAASO – Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf ayaa tababar dhanka Cashuuraha ah usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Sanaag.

Xaflada shaado gudoonsiinta waxaa kasoo qaybgalay madaxda Wasaaradda Maaliyadda qaybta Furdooyinka iyo Mas’uuliyiin kale.

In kor loo qaado aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qaybta Cashuuraha waa mid ay si wayn ugu taamayaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda qaybta Furdooyinka.

Maxamed Cabdisalaan Axmed waxa uu fursad u helay in aqoontiisa dhanka Cashuurah kor loo qaado waxana uu ka socday dhanka gobolka Sanaag,waxana la gudoonsiiyay shahaado.

Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ay wadaan in ay aqoontooda kor u qaadan dhammaan shaqaalaha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.


Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Author

mof