77C28498-5542-46D0-8B30-39E50938893B.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Iyo W/Howlaha guud ee Puntland oo ka wadashaqeynaya Qaadista Cashuurta[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka iyo Guryeynta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garoowe.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Howlaha guud ee Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland ayaa looga wadahadlay habka qaadista cashuurta iyo taargooyinka gaadiidka.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiirka Howlaha guud ee gaadiidk iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland dhanka dakhliga Yaasiin Ibraahim Ciise, Wasiir kuxigeenka W/Howlaha guud ee Gaadiidka Maxamed Xuseen Xaaji ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud,

Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga  Wasaaradda Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir Iyo Khuburo kale.

Ugu dambeyn markii uu kulanku soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Puntland Cabdulqaadir Shiih Maxamuud waxana uu sheegay wax yaabihii laga wada hadlay in guul laga gaaray.


Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland

Author

mof