ADE60321-704F-42FC-ADA2-BE50909EC02E.jpg

Xoojinta dakhliga iyo Wadashaqeynta gobolada Nugaal iyo Sool oo laga wadahadlay [Sawiiro]

SOOL – Kastamka Falaryaale ee gobolka Sool waxaa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Sool iyo Nugaal ee Puntland.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlay xoojinta dakhliga iyo wada shaqaynta mas’uuliyiinta labada gobol.

Mas’uuliyiinta kulankaasi wada qaatay waxaa kamid ahaa Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Agaasime ku xigeenka guud ee dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Agaasimaha waxaada Cashuuraha Puntland Mahadi Faarax Qambi, Agaasimaha waxaada Maamulka Maaliyadda Cabdi Fataax Cali Jaamac, Xisaabiyaha gobolka Sool Mustafa Maxamuud Aadan, Sharmaarke Maxamed Warsame Maamulaha Cashuuraha Beriga gobolka Nugaal, Abdiwali Xasan Nuur Xisaabiyaha gobolka Nugaal, Maxamed Maxamuud Axmed kuxigeenka Xisaabiyaha gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan dhex maray mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ee labada gobol ayaa sidoo kale si wayn looga hadlay gaadiidka ka dhuunta Cashuurta adeegsadana wadooyin kale hadii la qabtana sharciga la horgayn doono.

Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu intii ay ku gudajireen kulankooda sidoo kale waxaa looga hadlay in koboc ballaaran laga sameeyo dakhliga si dawladuna u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa horay u shaaciyay in ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan sidii loo heli lahaa dakhli abuur xoogan taas oo guulo badan laga gaaray.


Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Author

mof